Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si dadban u weeraray qaabka dadka Muqdisho uga falceliyeen qaraxii weynaa ee dhacay 14-kii Oktoobar.
Axmed Maxamed Madoobe ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab aan guul lagaga gaari karin maryo cas oo madaxa lagu xirto balse ay u baahan tahay dagaal dhab ah oo dowlad iyo shacaba aan loo kala harin.
“In daqiiqado aan aamusno ama aan weer (maro) cas xirano haddii ay dhibaatada daawo u tahay bal saacado badan aan qoraxda taagnaano oo aan amarkaas wada qaadano” ayuu si kajan ah u yiri Axmed Madoobe.
Calaamada Maryaha Cas ee dadku xirteen ayaa u taagneyd naxdintii ka dhalatay dadkii lagu laayay qarixii Isgoyska Soope, waxaana soo alifay dhalinyaro shacabka Muqdisho ka mida oo dareenkooda ku cabiray, waxayna markii dambe noqotay astaan lagu muujiyo diidmada falalka Alsahbaab.
Isagoo ka hadlayay shirka wadatashiga madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayuu sheegay Shirkii dhawaan lagu qabtay Kismaayo warar badan oo been abuur ah iyo dacaayad lagala hortagay balse uu macnahiisu ahaa in Soomaalidu ay dalkooda iyaga oo jooga mustaqbalka iyo aragtiyadooda xal kaga gaaran.
Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in maskax ahaan ay Bulshada u badaleen oo wax badan oo quraafad ah ay ku shubeen ka dhaqisteeduna ay tahay masuuliyad saran qof walba oo Masuul ah.