Thursday, July 24, 2025

Axmed Madoobe: “Kulanka aan la yeeshay Farmaajo wuxuu ku koobnaa sallaan iyo…”

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu kulan gaara la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay baaqday, waxaana markii hore ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, iyadoo markii danbe ay kulan gaara yeesheen Axmed Madoobe iyo Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inuu kulanku ku koobnaa salaan iyo is arag gogolxaar u ah shirka Dhuusamareeb ee la filayo inuu u furmo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo meesha ka saaray in wadahadallo dheer ay dhex mareen Madaxweyne Farmaajo.

Ma jirin wax faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey shirka labada mas’uul iyadoo Axmed Madoobe uu si weyn u diidan yahay in Madaxweyne KMG ah loogu yeero sida ku soo baxday go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay shirar kala gaara iyo mid guud la yeeshay saddexda madaxweyne ee Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare, waxaana kulan guud oo kale isugu yimid saddexdaas madaxweyne, Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON