Sunday, June 29, 2025

Axmed Madoobe: “Ma nihin Jubbaland Republic & Dowlad madax bannaan ee waxaanu…”

Madaxweynaha Jubbaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay hoggaamiso kaalinteedana ka qaadato Dib u heshiisiinta Jubbaland, kadib markii ay heshiiyeen sida uu yiri dhinacyadii is-khilaafsanaa.

Kulan Afur sharafeed oo uu xalay magaalada Kismaayo ugu sameeyay qaar ka mida Masuuliyiinta iyo Tageerayaasha Golihii isbedel-doonka Jubbaland ayuu uga hadlay xaaladda dib u heshiisiinta iyo waqtigii laga soo maray iyo ugu danbeyn lagu gaarat in dib u heshiisiin ay bilaabatay.

“Anagu ma lihin waxaanu nahay Jubbaland Republic iyo dowlad madax bannaan.. ee waxaanu ahayn State ka tirsan dowladda Federaalka. Madaxda Qarankana waxaan leenahay dadka aad madaxda u ahaydeen waa iyaga heshiiyey ee kaalaya hoggaanka qaata..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey xafladda.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qaybgalay Tageerayaasha golahii isbadal doonka ee heshiiska la galay Axmed Madoobe Jubbaland iyo masuuliyiintooda, isagoo sheegay in caawa laga bilaabo uuna jirin wax isbadal Doon ah, laakiin loo baahan yahay in la isa saxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON