Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe oo 3 Bilood kadib sabab yaab leh dib u dhigtay magacaabidda Golaha Wasiirada

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii labaad  ku fashilmay  inuu ku dhawaaqo dhismaha Golaha Wasiirada oo muddo saddex bilood ah oo laga sugayay.

Axmed madoobe oo 15-kii Ogost magaalada Kismaayo loogu doortay Madaxweyne doorasho muran ka taagnaa ayaa Khamiistii mar kale haliyay dhismaha Golaha Wasiirada Jubba, isagoo sabab uga dhigay xaalado ka jira maamulka oo keenay in dib u dhac kale ku yimaado.

Wuxuu ku dhawaaqay in dib u dhaca uu sabab leeyahay, isla markaana uu go’aansaday inuu sadex bilood dib u dhigo, isagoo sheegay in dib u heshiisiin degaanada Jubbaland laga sameynayo.

Muddo kordhin Baarlamaanka Jubba u siiyay Axmed Madoobe oo dhamaatay ayaan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto iyadoo ay hadda muuqato in magacaabidda golaha wasiirada Jubba uu noqday mid gacanta ugu jirta Axmed Madoobe oo ka baxday sharcigii maamulka loo dhigay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON