Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa dib ugu laabanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa kadib markii ay xiisad colaadeed ka dhalatay magaaladaasi, taasoo ka dambeysay iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulkiisa oo sarkaal lagu dilay dhowr kalena lagu dhaawacay.
Dagaalka Kismaayo ayaa salka ku hayay muran ka taagan dhul si sharci darro ah ay ku heystaan maleeshiyo taabacsan wasiir ka tirsan Maamulka Jubba oo ah wasiirka arrimaha bulshada Macalin Maxamed Ibraahim, iyadoo ay weerar ku qaadeen ciidamo booliska ah oo doonayay inay ciidamadaas ka saaraan.
Sida la ogyahay wasiirkan ayaa ka mida wafdiga la socda madaxweynaha Jubba ee Gaalkacyo u jooga waanwaanta maamulada Puntland iyo Galmudug, waxayna tani su’aal saareysaa qorshihii maamulka Jubba ku dhawaaqay in laga saarayo dadka degan guryaha dowladda magaalada Kismaayo.
Xiisadii ka dhalatay iska hor imaadkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa weli taagan inkastoo ay xaalada kala dhex galeen mas’uuliyiin ka wada tirsan maamulka oo beesha kasoo jeeda.
Goobjooge.com