Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta galabnimadii dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose, kadib markii uu muddo toddobaad ku dhow ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu kaga qeyb galay shirkii wadatashiga madaxda Soomaalida.
Garoonka magalaada Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay wasiiro hore, xildhibaano, waxgarad kala duwan. Axmed Madoobe ayaa soo dhoweynta loo sameeyay kadib wuxuu toos u aaday xarunta fadhiga u ah ee madaxtooyada Kismaayo, isagoo diiday inuu saxaafadda la hadlo.
Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale caqabad weyn ka heysataa magacaabo Golihiisa Wasiirada Jubba oo muddo laba bilood ka badan laga sugayay.
Goobjooge.com