Monday, June 23, 2025

Axmed Madoobe oo diiday inuu Saxaafadda la hadlo & Saraakiil Mareykan ah oo wadahadal kula jirta..

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee dowladda Soomaaliya aysan aqoonsan Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa diiday inuu saxaafadda la hadlo.

Soo-dhoweynta Axmed Madoobe ayaa ahayd mid kooban, waxaana la joojiyey inuu saxaafadda la hadlo oo caado u ahayd mar kasta oo uu ku laabto magaalada Kismaayo, iyadoo markaas kadib uu isla garoonka Kismaayo kulan kula yeeshay saraakiil Mareykan ah oo isugu jirta diblomaasiyiin iyo milateri, mana jirin wax war ah oo laga soo saaray.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in saraakill kale oo Mareykan ah ay tegi doonaan saacadaha soo socda magaalada Kismaayo iyadoo wadahadal waanwaan ah la wada Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadis ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ad

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa hore ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay wadahadal la furto maamulka Axmed Madoobe, taasoo aysan dooneyn madaxda sare ee dowladda Federaalka, laakiin waxaa xaaladda soo cusbooneysiiyey xiisada ka taagan Gobolka Gedo, kadib ciidamo badan oo ay geysay dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON