Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo isaga gooshaya Magaalooyinka Nairobi iyo Addis ababa

Madaxweynaha maamulka Jubba  Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) iyo wafdi la socda oo  muddo toddobaad ka badan ku sugnaa  magaalada Nairoobi ee dalka Kenya ayaa ku sii jeeda  magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha oo magaalada Adis Ababa tegaya dhowaan ayaa waxaa halkaasi kula kulmaya madax ka tirsan dowladda Itoobiya. Waxaa caadiyan uu Axmed Madoobe isaga gooshaa caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya ee Nairobi iyo Addis ababa oo mararka qaarkood waqtiga uu ku sugan yahay ay badato inta uu ku qaato magaalada Kismaayo.

Lama oga ujeedada safarka Axmed Madoobe ee Addis, laakiin socdaalkiisii ugu danbeeyay wuxuu ka codsaday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya inuu dhexdhexaadiyo isaga iyo dowladda Federaalka xilligaas oo mooshinkii Jubbooyinka uu yaalay Baarlamaanka.

Ciidamo Itoobiyaan ah ooo ka mid noqonaya AMISOM ayaa dhowaan ku sii jeeda magaalada Kismaayo iyagoo qeyb ka noqon doona ciidamada aaggaasi ka howlgala, taasoo sii xoojin doonta doorka Itoobiya ku leedahay Jubbooyinka oo horeba u ahaa mid muuqda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON