Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid juxaa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oomarkaas isna ka degay garoonka iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Safarkan ay kaga jawaabayaan casuumadii uu madaxda Dowlad Goboleedyada u sameeyay Madaxweyne Farmaajo isla markana uu rajaynayo in wax wanaagsan ay kasoo baxaan.
Arimaha lagu kala aragtida duwan yahay ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in wada hadal lagu dhameeyo si ay horay ugu sii socoto soo kabashada dalka.
Bulshada ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in aysan ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee dadka lagu niyad jabinayo isagoo sheegay in Soomaaliya ay meel wanaagsan iyo Mustaqbal wanaagsan ku socoto hadii wax lagu kala aragti duwanaadana aysan micnaheeda ahayn in lakala tagay