Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka digay in madaxweynaha la doortay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ay isbedeli karto karo rajada shacabka ka qabaan.
Isagoo saxaafadda la hadlay kadib markii uu magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi ka socday beesha caalamka uu horkacayay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo ay horyaallaan howlo adag oo u baahan in wax lagala qabto.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in madaxweynaha cusub si daacad ah oo dhameystiran loola shaqeeyo. Wuxuuna beesha caalamka u sheegay inay la shaqeeyaan oo garab istaagaan.
Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaalla madaxweynaha iyo dowladda cusub ayuu sheegay Axmed Madoobe inay ka mid yihiin Amniga iyo horumarinta dalka, wuxuuna si weyn uga digay haddii madaxweynaha lala shaqeyn waayo inay isbedeli karto rajadii shacabka.
Danjire Michael Keating oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkoodu ahaa in marka hore ay hambalyo ku aadan doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday ay la wadaagaan madaxda dowlad goboleedka Jubaland, isagoo intaa ku daray in kulanka ay sidoo kale uga wada hadleen arimaha abaaraha ka jira dalka.
Danjiraha ayaa xusay in wafdigooda oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday arimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ay isku afgarteen in gurmad loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa macluul ka dhalata.
Goobjooge.com