Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xafiiskiisa casho sharaf ugu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo muddo toddobaad ahaa ku sugan caasimadda.
Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyay, waxayna arrintan ahayd markii ugu horeysay ee si rasmi ah warbaahinta uu kasoo muuqdo Axmed Madoobe intii uu ku sugnaa Muqdisho.
Waxaa casho sharafta kadib saxaafadda la hadlay Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada maamuka Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo ka hadlay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka ay ku tageen xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa mugdi hareeyey iyadoo aanay wax war ah kasoo bixin wadahadalka uu la leeyahay madaxda dowladda Federaalka, waxaana warar xogogaal ah ay sheegayaan in dhammeystirska heshiiska uu gabagabo yahay.
DAAWO SAWIRRADA






