Monday, June 23, 2025

Axmed Madoobe oo Khudbadii ugu debecsaneyd ka jeediyey Shirka Dhuusamareeb (Akhriso)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug uga qayb galay furitaanka shirka wadatashiga Dowlad Goboleedyada dalka ayaa noqday madaxweynihii uu khudbad debecsanaa ee shirak ka hadla.

Axmed Maxamed Islaam oo dhowaan uu Madaxweyne KMG ah u aqoonsaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kadib dagaal siyaasadeed oo muddo sanad ku dhow ka dhex socday ayaa rajo ka muujiyey inay shirka kasoo baxaan natiijo dan u ah umadda.

“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talo ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo noqdaan mid laga wada tasho oo la isla qaato… Dowlad goboleedyada ma laha go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin, mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye” ayuu yiri Axmed Madoobe oo iska ilaaliyay inuu soo hadal qaado madaxda dowladda Federaalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaabka Doorashooyinkaas loo qaban jiray ay mar walba ahayd halka la taagan yahay Siyaasada ahaan iyo amni ahaanba, ayna lagama maarmaan tahay in Doorashsada la isla ogolaado.

Hay’adaha Federaalka ah ayuu sheegay Axmed madoobe in laga rabo Baarlamaanka Federaalka kahor inta aanay meel marin xeerar iyo qaraaro saamayanaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay la tashi la sameeyaan dhinacyada ay qusayso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON