Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay shir uu ku dhexdhexaadinayo Dowladda & Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay inuu gogol nabadeed dhigay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Boosaaso ayaa shaaciyay inuu magaalada Kismaayo ku marti gelinayo shir ay madaxda maamul Goboleedyada dalka uga hadlayaan khilaafka ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

“Gogol nabadeed ayaan dhigeynaa magaalada Kismaayo, taasoo ay isugu imaanayaan dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada si la isula qeexo xuquuqda dowlad goboleedyada iyo maqaamka Dowladda federaalka, loogana gudbo jahawareerka siyaasadeed ee uu dalku kujiro” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Muranka ka dhashay go’aanada ay qaateen madaxda maamuladda dalka ee ay ku taageereen isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa keenay inay isku dhacaan dowladda Federaalka iyo madaxda maamuladda, iyadoo mooshin ka dhan ah Imaaraadka Carabta iyo maamul Goboleedyada la geeyay Baarlamaanka Federaalka.

Shirka Kismaayo ayaa noqonaya mid ay damacsanaayeen inay qabtaan madaxda maamulada kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wadeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON