Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay wafdi Mareykan aha oo uu hogaaminayay u-qeybsanaha Safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi oo socdaal ku tegay magaalada Kismaayo.
Wafdiga Mareykanka ayaan ka bixin garoonka, halkaasoo Axmed Madoobe ugu yimid, waxaana kulankooda lagu sheegay inuu ku saabsanaa qorshe Mareykanku ku taageerayo maamul goboleedyada oo ku saabsan dhismaha ciidamada nabadsugidda ee la dagaalama Alshabaab.
Ma jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyay kulanka labada dhinac, waxaase dowladda Mareykanka ay taageertaa dib u dhiska ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo ciidamada nabadsugidda oo iyada hoos taga.
Goobjooge.com