Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray war la yaab leh, isagoo mamnuucay in baabuur badan lagu guuriyo aroosyada magaalada Kismaayo.
Isagoo ka hadlay magaalada Kismaayo ayuu Axmed Madoobe sheegay in la ogol yahay laba baabuur in lagu qaado arooskiiba.
Axmed Madoobe oo kasoo jeeda koox Diini ah ayaa arrintan ku saleeyay dhinaca ammaanka iyo arrimo diini ah, wuxuuna qiray in hadda ka hor ay xireen dad aroos ahaa. “Hadda ka hor waan xirnay gabar iyo wiilkii arooska ahaa, hadda waxay noqonaysaa sodohda iyo sodogana in lagu soo daro labada dhinacba…” ayuu ku goodiyay Axmed Madoobe.
DHAGEYSO AMARKA AXMED MADOOBE
Goobjooge.com