Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii saddexaad bishan gudaheeda ku dhawaaqay dagaala lagu qaadayo kooxda Alshabaab.
Isagoo ku sugan degmada Dhoobley ayuu sheegay Axmed Madoobe in dagaalka xoreynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq kaliya ay sugayaan, wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.
Hore ayuu Axmed Madoobe magaalada Kismayo iyo duleedkeeda uga dhawaaqay dagaal muddo dheer la sugayey oo lagu qaadayo Alshabaab si looga xoreeyo degaanada Jubbooyinka, wuxuuna maanta magaalada Dhoobley kula hadlay ciidamada degaanka.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu Dowlada kenya uga tacsiyeeyay weerarkii dhawaan Alshabaab ku qaadeen magaalada Nairobi, isagoo sheegay in dadka aan waxba galabsan ay ku laayeen.