Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Muqdisho u yimaada caleemosaarka Farmaajo [Sawirro]

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kadib muddo dheer oo uu ka baaqsaday imaanshaheeda.

Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhowan la doortay, taasoo dhici doona Arbacadda.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale.

Axmed Madobe ayaa ka baaqsaday shirarkii ugu danbeeyay ee Madashii Qaran, wuxuuna diiday inuu qeyb ka noqdo ololihii doorashada, taasoo uu kasbaday kalsooni dheeraad ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON