Wednesday, July 2, 2025

Axmed Madoobe oo shaaciyay in la bilaabay xalinta xaaladda Gobolka Gedo iyo Shirar u socda..

Heshiis hoose ayaa dhex maray madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kadib kulamo xiriir ah oo ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in heshiis inay meel iska dhigaan wixii hore u dhacay, ayna xiriir cusub sameystaan, iyadoo Guddi loo saaray arrimaha taagan ee khilaafkaasi ka dhashay.

Arrimaha Guddiga labada dhinac ka wadhadlayaan waxaa ka mida: xaaladda Gobolka Gedo, iyadoo xal laga gaarayo inta ka horeysa 15-ka Ogost ee furitaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

This image has an empty alt attribute; its file name is 116344974_1790714894402737_5284271364047086123_o.jpg

Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay agaalada Kismaayo ayaa sheegay in si qoto dheer looga wadahadlay khilaafka ka dhex jiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland isla markaana la dhammeyn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo, isagoo caddeeyay in Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah laga shaqaynayo sidii xal looga gaari lahaa kahor shirka Dhuusomareeb ee soo socda isla markana farsamo ahaan la bilaabay sidii looso afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON