Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa soo dhoweeyay isbedelka hoggaan ee dalka ka dhacay.
Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aqbalay natiijada doorashada. wuxuuna sidoo sidoo kale u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah iyo Guddiyada doorashooyinka.
Wuxuu kaloo sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ee Farmaajo, gaar ahaan Gobolka Gedo, taasoo uu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jira, kuwasoo markii horeba ahaa kuwo dano gaar ah laga lahaa, sida uu yiri.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland, isla markaana la bilaabi doono dhismaha golaha degaanka Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka, iyadoo dadka dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.
Wuxuu ballan qaadya in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin.