Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi la socda ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Waxaa Garooonka isugu tegay mas’uuliyiin, xildhibaanno iyo senatooro ka tirsan Baaralamanka Federaalka oo uu horkacayo wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow, waxaana loo galbiyey qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha, iyadoo gudaha Garoonka looga diyaariyey guri uu degi doono.
Waxaa soo dhoweynta Axmed Madooba kasoo muuqan madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta xukuumadda dowladda Federaalka xilka sii haysa, marka laga reebo guddoomiye ku xigeen ka tirsan G/Banaadir iyo Taliyaha Booliska.
Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboleedyada dalka oo Muqdisho u yimaada shirka ay soo qabanqaabisay Beesha Caalamka ee lagu saxiixayo heshiiska Doorshada, waxaana Muqdsiho hore ugu sugnaa Madaxweynaha Hirshabeelle.
Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gaaran caasimadda Muqdisho.
