Saturday, July 12, 2025

Axmed Madoobe oo Wadaniyad leh uga hadlay Shirkii Madasha Qaran & Doorashooyinka [DHAGEYSO]

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa geesinimo leh uga hadlay go;aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran iyo xaaladda doorashada dalka.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayuu ka sheegay in uu ku qanacsan yahay natiijadii ka soo baxday shirkii Madasha oo aysan jirin qodob uu muran ka qabo.

Wuxuu caddeeyay inay ku qeyb noqdeen maamulo laba gobol iyo gobol iyo bar ah xubnihii laga siiyay aqalka sare, taasina ay u aqbaleen danta umadda oo aanu qanac ku imaan karin xitaa haddii Jubbaland Aqalka sare laga siiyo 20 xubnood.

Axmed Madoobe wuxuu  sheegay inuusan isagu musharax ahayn, ciddii ka soo jeeda Jubaland ee dooneysa inay is sharaxdana ay taageerayaan, wuxuna cambaareeyay musharixiinta xilka ku raadinaya laaluush.

Dhageyso Axmed Madoobe

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON