Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka hadlay shirka Madasha maamul Goboleedyada ee magaalada Garowe ayaa si weyn u dhaliilay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu sii xumaanayo amniga dalka, isla markaana dowladda Federaalka ay gabtay masuuliyadii ka saarayd hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagixisad, wuxuuna sheegay inuu qabo tuhun ah in Al-Shabaab ay Dowladu kula jirto gorgortan.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka nin dhamaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay Dowlada Federaalka ah isbedal ku samaysay kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka amniga iyo Doorashooyinka.
Wuxuu kaloo dowladda federaalka ku dhaliiyay inay faafisay daacayado ay ku sheegtay in madaxda Dowlad Goboleedyadu ay mudo xileedkooda kordhinayaan taas oo uu sheegay in ay waxba kama jiraan tahay.
Wuxuu xaqiijeyey in Doorashada Jubbaland ayna hal maalin daba maraynin wakhtigeeda isla markana ay sidaas oo kale yihiin dhamaan Dowlad Goboleedyada oo aysan jirin cid mudo kororsi samaynaysa wararka ay faafisay Dowlada Federaalka ahna ay qayb ka tahay dagaalka cad ee ay kula jirto hanaanka Federaalisaka.
Wuxuu ka digay in Doorashada 2020 ayna qabsoomi karin waliba lagu hungoobi doono haddii Dowlada Federaalka ah aysan bedelin wadadda ay dalka ku wado oo burbur horseedi kara.