Wararka laga helayo Caawa magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayey Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Xaajir).
Xildhibaankan oo lagu eedeeyay inuu mooshin ka qoray maamulka Jubaland ayaa muddo dhowr maalmood ah xirnaa markii laga qaaday xasaanadda, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee Kismaayo sheegayaan in amar kasoo baxay Madaxweyne Axmed madoobe lagu sii daayey xildhibaanka.
Ciidamada nabadsugidda Maamulka Jubaland ayaa xeradda Fiat ee magaalada Kismaay kasii daayey, kadib waanwaan arrintiisa laga galay iyo xiisad ay magaalada ka dhaliyeen maleeshiyo taabacsan xildhibaanka.
Axmed Taajir oo heysta Baasaboor UK ah ayaa la sheegay inuu Safiirka UK ee Somalia David Concar ka dalbaday Axmed Madoobe sii deynta Axmed Taajir, iyadoo ay dhinac socotay cadaadis ka yimid beesha uu ka soo jeedo.