Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo saaray wareegto uu xilalkii uga qaaday taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda maamulkaasi, kuna magacaabay taliyeyaal cusub.
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Jubbaland ayaa taliyaha Booliska Jubbaland loogu magacaabay Gen. Maxamed Cabdi Sheekh, halka Taliye ku xigeenka Booliska isna loo magacaabay Jen. Maxamed Guuleed Xasan.
Waxaa kaloo wareegtada lagu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda oo loo magacaabay Maxamed Axmed Sabriye.
Ad

HOOS KA AKHRISO
Warar Xul ah