Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo xildhibaannada ugu baaqay inay tagaan furrinta dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda degaanada Jubbaland ugu baaqay inay mushaarkooda ku bixiyaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Isagoo ka ahdlayay casho sharaf uu xildhibaanadaasi ugu sameeyay Muqdisho ayuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adage ee ay ku jiraan, kana warqabaan Bulshada ay matalaan.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka Argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiirigeliyaan.

“Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ah ee hada kasocda Muqdisho isagoo xusay in hadii shirkii Kismaayo uuna dhicin aan Xamar la isugu imaadeen ajinabina loo kala dacwoon lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON