Tuesday, July 15, 2025

Axmed Madoobe: “Rasaastii dowladda ayaa 24 saac kusoo gaartay Alshabaabkii aan dagaalka kula jirnay!”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si dadban ugu eedeeyay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay rasaas siiso Alshabaab.

“Tusaale ayaan idin siinayaa anagoo dagaal kula jirna Alshabaab ayaa waxaa ka go’day rasaasta BKM-ka.. hal maalin ayey kula yimaadeen Shabaabkii.. rasaastii baan qaadnay, waxay noqotay rasaastii ay dowladda markaas lasoo degtay, ileyn rasaasta waa la aqriyaa..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hadal ka jeediyey shirka Madasha Aragti-wadaagga ee Garowe.

Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay in aanu jirin Amni Qaran oo laga wadahadlo, marka laga reebo ciidamada sida gaarka ah diyaaradaha loogu qaado, wuxuuna intaas ku daray in caddowga uu maanta noqday dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee aanu ahayn Alshabaab.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay inaan la fulin dhammaan heshiiyadii Amniga Qaranka ee la galay, ayna ku dammaadeen xafiiska Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka digay inaan amni Qaran waxba laga qaban karin haddii aan siyaasadda laga heshiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON