Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe siyaasiyiinta Beesha Sade oo heshiis 14 qodob ah ku gaaray Kismaayo [SAWIRRO]

Waxaa maanta  magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee u socday Beesha Sade iyo maamulka Axmed Madoobe oo ku saabsanaa sidii heshiis loo dhan yahay labada dhinac uga gaari lahaayeen awood wadaagga maamulka Jubba.

Heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen waxaa qalinka ku duugay siyaasiyiintii  beesha Sade ee ka horjeeday Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Shirar gaar ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa keenay in ugu danbeyn heshiis laga gaaro dhibaatadii mudadda dheer dhex taallay labada dhinac.

Heshiiska siyaasiyiinta Beesha Sade iyo Axmed Madoobe isla gaareen wuxuu ka kooban yahay  14 qodob, waxaana tanaasulka ugu weyn sameeyay Axmed Madoobe oo aqbalay shuruudihii siyaasiyiinta Beesha Sade sida lagu shaaciyay shirkii jaraa’id ee labada dhinac wadajir u qabteen.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini  iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saxaafadda u sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin heshiiska ka dhacay magaalada Kismaayo.

DAAWO SAWIRRO

Kismaayo02

Kismaayo03

kismaayo4

Kismaayo01

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON