Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe: “Waan ogolahay inuu Aqalka Sare na dhexdhexaadiyo annaga & Dowladda Federaalka”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ogolaaday in Aqalka sare uu dhexdhexaadiyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kadib kulan  uu Magaalada Kismaayo kula yeeshay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira.

Kulanka kadib ayuu Axmed Madoobe sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cidda dhexdhexaadineysa dowladda iyo maamul Goboleedyada, balse ay noqon karaan Aqalka sare oo hadda dadaalka ku jira.

Axmed Madoobe ayaa qoraallada kasoo baxa dowladda Federaalka ku sheegay inaan lasoo marsiin habka rasmiga ah ee xiriirka Dowliga ah oo ay ku arkaan oo kaliya baraha Bulshada.

Axmed Madoobe oo shalay guddoomiyaha Aqalka Sare sheegay inay caqabad ka jirto dhinaciisa oo aany dooneyn dhexdhexaadinta uu wado Aqalka Sare ayaa sheegay inuu rajeynayo in wadahadal iyo isku tanaasul lagu dhameeyo khilaafka oo la is afgarto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON