Thursday, February 27, 2020
More

    Ayatollah Cali Khomeyni: “Dharbaaxo ayaa ku dhacday Mareykanka, laakiin Aargoosiga Gen. Suleymani waa weli…”

    Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga Iiran Ayatollah Cali Khumeyni ayaa khudbad uu goor dhoweyd u jeediyey shacabka dalkaasi ku sheegay in weerarkii ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq ay ahayd dharbaaxo ku dhacday Mareykanka, balse aanay ku filneyn.

    Khomeyni wuxuu sheegay inay Iiraan jawaab ka bixisay dilkii Jen. Qasim Suleymani, balse in loo aargudo ay weli dhiman tahay, wuxuuna caddeeyay inuu bilowday dagaalka Mareykanka looga saarayo Bariga Dhexe uu bilowday, isagoo u digay dalalka Goblka ee saaxiibka la ah Mareykanka ee deriska la ah Iiraan.

    Ad

    Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan ayaa sheegay in Qaasim Suleymaani uu fashiliyey qorshihii Sacuudiga ka lahaa dalka Ciraaq iyo saliida dalkaasi, wuxuuna sheegay in caddowga Iiran ay yihiin Mareykanka iyo Israa’iil, laakiin dowladaha kale aysan dhibaato kala dhaxeyn inta ay ku kacayaan fal caddowtinimo oo ka dhan ah Iiraan.

    Ayatollahi Khumeyni ayaa ugu baaqay dadka Iiraan inay u midoobaan caddowga Iiraan, isagoo ugu baaqay dhammaan kooxaha muqaawamada inay gobolka ka xoreeyaan joogitaanka Mareykanka. Wuxuuna ugu goodiyey Mareykanka inay kusoo socdaan tallaabooyin kale oo xanuujiya haddii ay isku daydo inay u jawaabto Iiraan.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    137,323FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,181FollowersFollow
    137,323FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,181FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!