Tuesday, June 24, 2025

Ayax ku habsaday degaanno ka mida Gobolka Hiiraan & Cabsi laga qabo inuu u gudbo Gobollada Koonfurta Somalia..

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ayax fara badan oo hayaan ah uu ku degay deegaanno  ka tirsan Gobolka Hiiraan, kadib markii uu soo gaaray toddobaadkii hore Goblka Galgaduud.

Dadka degaanka atyaa sheegay in Ayaxa guuraya uu ku shalay ku habsaday degaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kale gaaray degaanno kale oo Gobolka ka mida, waxaana dadka qaarkiis ay uga hortageen rasaas iyo qiiq ay shideen, halka qaar kale ay garaacayeen Gasacado iyo Barmiilad dhawaaqa sameeya.

Beeralayda gobolka Hiiraan ayaa ka cabsi qaba in Ayaxa uu baab’iyo dalagii ay beerteen, iyadoo uu Ayaxu weli socdaal ku jiro ayaa laga cabsi qabaa inuu gaaro Gobolka Sh/Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya oo ah halka laga soo saaro wax-soosaarka ugu badan dhinaca beeraha.

Xaaladda Ayaxa ayaa ka sii dareysa iyadoo aanay muuqan diyaargarow ay ku jirto dowladda Federaalka iyo Wasaaradda Beeraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON