Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wadaadka Andrew Brunson ee faafiya diinta kirishtanka oo Mareykan ah ku heshay dambi argagixisanimo, hase yeeshee xukuntay in labadii sano ee uu xabsiga ku jiray ay la macno tahay inuu waqtigiisa qaatay oo uu dalka ka bixi karo.
Xariga Andrew Brunson ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay dowladaha Mareynkanka iyo Turkiga. Xukunka maanta ayaa waddada u xaaraya in Brunson uu kusoo laabto dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin uu soo diray waxa uu sheegay in Brunson uu dhowaan ku laaban doono dalka Mareykanka.
Wararka qaar aya sheegaya inuu jiro heshiis qarsoon oo labada dal ay ka gaareen sii deynta Baaderiga Brunson.