Shir ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku yeesheen madaxda dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu gaaray go’aano ku saabsan ciidmaada ATMIS ee Midowga Afrika iyo baaq loo diray Golaha Amniga Q/Midoobay.
Madaxda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tixgeliyo codsiga in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka si ay awood ugu hesho qaadista mas’uuliyadda amni.
War-murtiyeed laga soo saaray kulan ay magaalada Kampala ku yeesheen Madaxda Dalalka ATMIS ayey ku caddeeyeen in ka bixitaankii ciidamada ATMIS ee Soomaaliya aanay waxba iska bedeli doonin jadwalka u degsan ee ah inay baxaan aakhirka 2024.
Madaxda ATMIS ayaa ku heshiiyey qaabka ay Soomaaliya uga bixin lahaayeen ilaa 2 kun oo askari oo ATMIS ah bisha Juun 2023, iyadoo la diyaariyo bixitaanka ciidamo kale oo gaaraya 000 oo la filayo inay Soomaaliya ka baxaan sanadkan aakhirkiisa, balse waxaa loo baahan yahay in qiimayn degdeg ah lagu sameeyo xaaladda gudaha ee Soomaaliya.
“Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u fidiyaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilloonida Soomaaliya, waxayna ugu baaqeynaa Golaha in uu ka fiirsado qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si ay awood ugu yeelato in ay qaadato mas’uuliyadda amniga” ayaa lagu yiri Qoraalka Skasoo baay hir-madaxeedkii Kampala.
Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda dalalka Uganda Yoweri Museni, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Kenya Willima Ruto, madaxweynaha Soomaaliyaa Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen.
Madaxda ayaa sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada saadka ee la siinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ‘lana kordhiyo baaxadda si ay uga tarjumto xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta goobta.
