Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu meelmariyay Miisaaniyadda dowladd ee sanadka 2017 oo muran badan ka taagnaa.
Kulankii maanta ee golaha shacabka waxaa xaariday 169 xildhibaan, waxaana ogolaatay 167, halka laba xildhibaan ay ka aamustay codkii loo qaaday miisaaniyadda sanadkan.
Miisaaniyadda oo kala bar ay tagtay sanadkan ayaa dib u dhac weyn waxaa ku keenay isbedelka dowladaha iyo doorashadii dhacday, waxaana dood weyn ka timid lacago loo qoondeeyay maamulada iyo wasaaradaha kala duwan.
Ma jiro isbedel weyn oo lagu sameeyay miisaaniyadda ay wasaaradda maaliyadda soo diyaarsiay, laakiin Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in miisaaniyadda intooda badan ay diyaarisay xukuumadii hore.
Dowladda Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay ee July ahayd miisaaniyad la’aan kadib dood ka dhalatay miisaaniyadda lix biloodlaha ah ee ka horgeeyay Baarlamaanka, taasoo keenay in qeybta ciidamada la ogolaado.
Goobjooge