Xildhibaanada Ahlu Sunna ee Galmudug ayaa maanta ansixiyey Guddigii Doorashada iyo xalinta khilaafkaadka Galmudug oo uu dhowaan magacaabay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Xildhibaannada Ahlu suna ayaa la sheegay inay tiradoodu gaartay 111 xildhibaan, waxaana la shaaciyey in 110 xildhibaan ay snsixiyee Gudigga Doorshada ee uu magacaabey Sheekh Shaakir, waxaana halkaasi khudbad mahadcelin ah ka jeediyey Sheekh Shaakir A oo sheegag inay kasoo baxeen shaqadii laga sugayey.
Loolanka Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamareeb iyadoo laba Guddi oo Doorasho ay magaaladaasi ka dhisan yihiin, labada dhinacba ay ciidamo diyaarsanayaan, inkastoo ay degan tahay xaaladda magaalada.
Dhinaca kale musharaxa xilka madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odowaa ayaa ugu baaqay Ahlu suna iyo dowladda federaalka inay joojiyaan loolanka ka dhaxeeya iyo abaabulka ciidan, ayna ogolaadaan inay si nabadgelyo ah oo xalaal ah doorasho uga dhacdo Dhuusamareeb.