Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Maanta uu kulankii ugu horeeyay isugu imaan doono Baarlamaanka Cusub ee maamulka Galmudug oo shalay la dhaariyey.
Kulankan ayaa waxaa lagu soo xli doonaa Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka cusub, kaasoo lagu soo xuli doona da’da, waxaana xilkaasi qaban doona xildhibaanka ugu da’da weyn mudanayaasha la soo xulay ee gaaraya 83 xildhibaan.
Shir guddoonka cusub ayaa la filayaa inuu magacaabo Guddi Doorasho oo qabanqaabiya doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana markaas kadib la dooran doonaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa la adkeeyey, waxaana lagu wadaa inuu goor dhow furmo kulankii koowaad Baarlamaanka labaad ee Galmudug