Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa guddoomiyey shir ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka, kaasoo looga hadlay dagaaladda kasoo cusboonaaday Degaanka Tukaraq iyo xaaladda Fatahaadaha.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si waafaqsan qodobka 56-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka wuxuu magacaabay Guddi ka kooban sagaal xubnood oo qaabilsam Fatahaadaha dalka ka taagan oo kormeeri doona degaanada fatahaadda saameysay si ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee halkaasi ka jirta.
Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee golaha shacabka. Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.
Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.