Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacado kooban maanta ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017.
Miisaaniyadan ayaan la socon xisaabxir labadii miisaaniyad ee hore 2015 iyo 2016 oo weli ku maqan xukuumadii xilka wareejisay, isla markaana hanti dhowrka Qaranku uu sheegay inay ka maqan tahay lacag dhan 110 Milyan oo Doolar.
Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu faahfaahin ka bixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan ayaa sheegay in miisaaniyadda ay dhan tahay US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo toddobo milyan, Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar Dollar).
Waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana lagu dhawaaqay in la ansxiiyay miisaaniyadan sanadkan oo saddex bilood ka mida maadaama ay degdeg ahayd.
Bisha June 2017 ayaa la sheegay in miisaaniyad faahfaahsan la keeni doono Baarlamaanka. Wasaaradda maaliyadda ayaa waqti u helin dib u eegis iyo diyaarin miisaaniyad dhameystiran.
Xukuumadaha Soomaaliya ayaa caado ka dhigtay sanad waliba inay miisaaniyadda geeyaan Baarlamaanka waqti danbe, iyadoo aan la xisaab xirin miisaaniyadii horena la ansixiyo miisaaniyadda sanadka kale, taasoo hadda u muuqata inay kasii dartay.
Goobjooge.com