Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug oo fadhi yeeshay maanta ayaa isbedel ku sameeyay qodob ka mid ah Dastuurka Galmudug oo caqabad ku ahaa xildhibaannada.
Mooshin ay Baarlamaanka keeneen qaar ka mida Xildhibaanada Galmudug ayaa looga dooday inay wax ka bedel lagu sameeyo Qodobka 30-aad ee Dastuurka Galmudug, kaasoo qeexaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka aanu ka mid noqon karin Gollaha Wasiirada, waxaan cod loo qaaday lagu laaley qodobkaasi.
Ilaa 56 xildhibaan oo kulanka maanta ku sugneyd ayaa dhammaantood u codeeyay in meesha laga saaro qodobkaasi oo hada ka dib u qormaya inay xildhibaanada Galmudug ka mid noqon karaan Gollaha Wasiirada cusub ee Galmudug.