Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa isku raacay in ay shaqada ka joojiyaan Taliyeyaal ciidan oo uu dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka Madaxweynaha Waare u maray magacaabista taliyeyaasha. Xildhibaanada ayaa ku doodaya in marka hore ay aheyd in la magacaabo Guddiyada Amniga, lana saxo qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay sheegeen in Waare uu ku xadgudbay.
Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulka inuu ku dhisan yahay Dastuur, loona baahan yahay tallaabo walba oo la qaadayo in si sharci ah lagu meel mariyo.
Wuxuu sheegay Xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle inay isla garteen dib u celinta Taliyeyaashaasi uu magacaabay Madaxweyne Waare.