Xildhibaanada Baarlamaankamaamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in kulan aan caadi ahayn ay ku yeeshaan Magaalada Jowhar.
Kulankan ayaa la sheegay inuu dalbaday madaxweynaha maamulkaasi iyadoo la horgeynayo ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelle oo muddo bil ka badan aan la ansixin, kadib khilaaf ka dhashay qaabka loo magacabaay dartiis.
Dadaal muddo socdya oo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ugu jiray inuu ku qanciyo xildhibaannaa mmaamulkiisa ayaa soo gabgaboobay, waxaana la isla gartayin kalsooni diinta Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelele aan lala sugin furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo furmaya 5-ta bisha January 2018.