Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka dalka Iiraan Cali Shamkhani ayaa shaaciyey inay diyaariyeen 13 qaab oo jawaab u noqon doona dilkii Gen. Qasim Suleymani oo Mareykanka duqeyn ku dilay magaalada Baqdaad.
Wuxuu sheegay in 13-ka jawaab ee Iiraan bixin doonto, kan ugu yar uu Mareykanka ku noqon doono lama filaan iyo musiibo, wuxuuna intaas ku daray in aargoosiga aanu noqon doonin mid ku eg Iiraan ee ay bixin, balse ay ka qeyb qaadan doonaan dhammaan xooggaga wax iska caabinta oo u aargudi doona dhiigga Gen. Suleymani.
Dhinaca kale Baarlamaanka Iiraan ayaa soo saaray qaraar uu liiska argagixisada ku daray Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka iyo dhammaan ciidamada iyo saraakiisha hoos tagta, taasoo ka dhigan inay Iiran beegsan doonto.
Liiska waxaa ku jira dhammaan shirkadaha ku xiran Wasaaradda Difaaca Mareykanka, dadka qandaraaslayaasha ah iyo dadka rayidka ah iyo ciidamada Mareykanka. Waxaa kaloo Baarlamaanka Iiran uu miisaaniyad cusub oo degdeg ah u meel mariyey ciidamada Qudus ee dibadda ka howlgala, taasoo gaareysa 250 Mliyan doolar.