Golaha Shacabka dalka Itoobiya ayaa xasaanadii ka qaaday 39 qof oo ay ku jiraan Madaxda Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dowladda Federaalka oo dagaal kula jirto.
Warbaahinta Itoobiya ayaa shaacisay in baarlamaanka Federalka uu si aqbaliyad leh xasaanadii uga qaaday xubnaha ay ka midka yihiin: Madaxweynaha Gobolka Tigray Dr Debretsion Gebremichael iyo madaxda kale ee kala ah: Asmelash Weldesenbet, Abay Tsehaye, Dr Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya.
Dhammaan madaxda cidamada iyo kuwa rayidka Gobolka Tigray ayaa noqay dembiilayaal loo raadinayo denbiyo dagaal, xilli ay maalintii 9-aad socdaan dagaallada Gobolka Tigray.
