Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ansixiyey xubno loo magacaabay Guddiga Doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo bedelaya kuwii xilka iska casilay.
15 xildhibaan oo loo magacabaay inay ka mid noqdaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo uu soo magacaabay guddoonka Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen mudanayaasha Baarlamaanka K/Galbeed maanta kadib shir uu guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maxamed Nuur Maxamed.
138 xildhibaan ayaa kulanka soo xaadirtay, waxaan dhameystirka Guddiga Doorashada ee la magcaabay ogolaaday 134 xildhibaan, iyadoo 2 xildhibaan ay diideen, halka 2 kale ay ka aamuseen.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA XUBNAHA CUSUB