Tuesday, June 24, 2025

Baarlamaanka K/Galbeed oo Waqti u qabtay Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi [Shariif Xasan oo…]

Baarlamaanka maamulka  Koonfur Galbeed ayaa isku raacay in aakhirka sanadkan la qabto doorashada madaxweynaha Maamulkaasi.Kulan maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo oo  waqti dheer qaatay, laguna soo xiray kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa lagu go’aamiyey xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo waqtigiisa dhammaanayo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isla maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, waxaana Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed isku raacay in Bisha November 17 ee sanadkan 2018-ka ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada maamulkaasi.

Xildhibaanada K/Galbeed ayaa cod gacantaag ahaa ku meel mariyay, waxaana u codeysay 110 xildhibaan, halka Saddex xildhibaan ayaa diiday. Shariif Xasan oo ay doorteen Ergo iyo Odayaal Dhaqameed ayaan magacaabin madaxweyne ku xigeen, waxaana Baarlmaanka hadda jira la filayaa inuu doorto madaxweynaha soo socda oo la sheegay in Shariifku u sharxan yahay mar kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON