Golaha Wakiillada ayaa loo dilray fasax dheer oo ilaa bartamaha sanadka cusub ee 20211 soconaya, iyadoo lasoo xiray kalfadhigii 49-aad.
Waxaa magaalada Garowe maanta ka dhacay kulanka fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL, iyadoo ay xaadireen 40 mudane.
Kulanka ayaa Xildhibaannada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Federal, waxaana maanta ku ekaa maanta 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.
6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax, waxaana cod gacan-taag ah oggolaansho ugu codeeyay 39, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.


