Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Cod u qaaday isbedel lagu sameeyay miisaaniyadii dowladda ee sanadkan sii dhammaanaya 2018 oo dib loogu noqday.
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa Isniintii horgeysay Baarlamaanka ku-noqoshada miisaaniyadda 2018, iyagoo dalbaday in degdeg loogu ansixiyo 17 Milyan oo loo kordhiyey Ciidamada Qalabka sida, taasoo ay diideen guddoonka iyo inta badan xildhibannada Baarlamaanka ayna u gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Wax ka bedelka Miisaaniyadda waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka, waxaana cod loo qaaday ogolaaday 153 xildhibaan, halka 2 xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan oo kale.
Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.