Sunday, July 13, 2025

Baarlamaanka oo hal fadhi ku ansixiyey 5 Sharci oo Aqalka Sare kusoo celiyey & Kalfadhi lasoo xiray (Akhriso)

Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo xiray, iyadoo ay xildhibaannada galeen fasax, waxaana kulankoodii ugu danbeeyay ee shalay lagu meel mariyey 55 hindise sharciyeed oo uu dib ugu soo celiyey Aqalka sare markii uu wax ka bedel ku sameeyay.

Kulanka waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ajendaha horyaallay uu ahaa:

1- Furitaanka Ayaadaha Qur’aanka Kariimka ah
2- Ansixinta Ajendaha

Warbixinta Hindise-sharciyeed-yada uu dib u soo celiyey Aqalka Sare oo kala ahaa:

1- Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federal
2- Sharciga Duulista Rayidka
3- Sharciga Jaangooynta iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed
4- Sharciga Tirokoobka Qaranka
5- Hindise Sharciyeedka Heerka Warbaahinta
6- Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada
7- Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa meelmariyey Hindise Sharciyeedyadii uu soo celiyay Aqalka sare sida:
1- Sharciga Doorashooyinka Heer Federal
2- Hindise-Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta
3- Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada
4- Sharciga Duulista Rayidka
5- Sharciga Jaangooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed

Waxaa dib loo dhigay Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

Sharciyada u gudba Aqalka sare ee uu dib u soo celiyo kadib markii uu isbedel ku sameeyo ayaa u baahan in mar kale loo gudbiyo Golaha Shacabka oo ay tahay inuu mar kale meel mariyo si loogu gudbiyo inuu saxiixo Madaxweynaha, waxayna arrintan ka mid ahayd go’aano uu ku adkeystay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari), iyadoo uu tanaasulay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON