Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya kulankoodii 14aad ee kalfadhiga 5aad, iyadoo xalay la isugu yeeray.
Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo Tayodhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2017.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Golaha, waxaana hortegi doona Xubno ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaan xisaabcelin ku sameyn miisaaniyadihii labadii sano ee ay xilka heysay.