Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd isku raacay dhismaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Dood dheer oo muddo laba maalmood ah socotay ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo Guddi ka kooban 15 xubnood loo magacaabay inay maamulaan doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Guddig ka kooban 15 xubnood ayaa loo qeyb beelaha Soomaalida, waxayna kasoo shaqeyn doonaan doorashada lagu wado inay dhacdo bishan gudaheeda ee guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Goobjooge.com