Wednesday, July 2, 2025

Baarlamaanka Puntland oo Go’aan kasoo saaray muran ka dhashay xilka Ku-simaha Madaxweyne Deni.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa go’aan ka gaaray muran maalmahan ka taagnaa xilka ku-simaha xilka Madaxweynaha maamulkaasi oo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ku wareejiyey wasiirkiisa Cadaaladda.

Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacday arrin naadir ah oo mar qura ay maamulkaasi ka maqnaadeen madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxayna arrintaasi dhalisay in su’aal ka timaado cidda noqoneysa ku-simaha Madaxweynaha.

Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Guddga joogtada ee Golaha wakiilada Baarlamaanka Puntland ayaa go’aan looga gaaray arrintan, iyadoo lagu caddeeyay inuu xilka ku wareegayo Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA KASOO BAXAY:

1. In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

2. Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3. Sabab kasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4. Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON